Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay waxqabadkii 100-ka maalmood ee hoggaanka cusub
Waxaan xafiiskayga ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), oo uu hoggaaminayay Dr. Humphrey Karamagi, Wakiilka WHO ee Soomaaliya, iyo xubno kale oo ka socday xafiisyada hay’adda ee Soomaaliya iyo Puntland.

Waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo WHO, gaar ahaan u-diyaargarowga, ka-hortagga iyo ka-jawaabista cudurrada faafa, iyo sidii loo xoojin lahaa awoodda wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.
Waxaan wafdiga la wadaagay dadaallada ay Wasaaraddu waddo ee lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, gaar ahaan xilliga roobaadka oo ay kordhi karaan khataraha cudurrada faafa, oo ay ka mid yihiin Ebola iyo cudurrada kale ee halista ku ah caafimaadka bulshada.
Waxaan sidoo kale isla soo qaadnay muhiimadda ay leedahay xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqaynta hay’adaha caafimaadka, si loo xaqiijiyo jawaab caafimaad oo degdeg ah oo wax-ku-ool ah. Waxaan u mahadcelinayaa Dr. Humphrey Karamagi iyo wafdigiisa booqashadooda, iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Wasaaradda Caafimaadka *Il: Wasaaradda Caafimaadka Puntland.